Waxaa la xaqiijiyay dhimashada shan ruux ka dib shil saaka ka dhacay waddada wayn ee u dhexeysa magaalooyinka Eldoret iyo Malaba ee ismaamullada Uasin Gishu iyo Busia.
Labo qof oo kale oo ay dhaawacyo culus soo gaareen ayaa xaaladooda caafimaad lagula tacaalaya isbitaalka Eldoret.
Shilka ayaa abaare 4-tii aroornimo ee maanta ka dhacay aagga loo yaqaano Murugusi.
Shilka ayaa saameeyay mid ka mid ah booyadaha shidaalka qaada, taksi nooca pro-box ah iyo cagafcagaf.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in booyadda shidaalka ay ku wajahnayd xadka Malaba ka hor inta aynan isku dhicin cagafcagafta oo sidday agabka dhismaha iyo taksiga oo ka yimid dhanka Busia.
Ciidamada booliiska ayaa laga soo xigtay in shilka uu ka dhashay booyadda shidaalka oo si xowli ah loo kaxeynayay.
Shanta qof ee geeriyooday ayaa saarnaa taksiga waxaana shilka ka badbaaday wadeyaashii booyadda iyo cagafcagafta.
Waxaa shilkan iyo khasaaraha nafeed ee ka dhashay warbaahinta u xaqiijiyay taliyaha booliiska ee deegaanka Lugari Julius Meli.
Waxaa uu intaasi ku daray in meydadka shanta qof la geeyay goobta meydadka la dhigo ee isbitaalka degmada Webuye si loo aqoonsado ka dibna baaritaan qalliin ah loogu sameeyo.
Mr. Meli ayaa sheegay in ay xireen wadihii booyadda shidaalka sidoo kalena lagu daba jiro darawalkii cagafcagafta.
Macluumaadka maamulka qaran ee gaadiidka iyo badqabka dhanka waddooyinka ee NTSA ayaa muujinaya in sanad kasta ay qiyaastii 3,000 oo qof shilal ugu dhintaan gudaha waddanka.
Shilalkan ayaa inta badan dhaco maalmaha Sabtida iyo Axadda iyo xilliyada fasaxyada ah.