Seneterrada aqalka sare ee dalka ayaa cod u qaaday in guddi ka kooban 11 xubnood ay la wareegan baaritanka ka dhanka ah eedeymaha uu wajahayo barasaabka dowlad deegaanka Wajeer kaas oo toddobaadkii hore ay xilkii ka qaadeen wakiillada golaha hoose ee ismaamulkaasi.
28 senetaro ah ayaa u codeeyay in guddi loo xilsaaro arrinta uu wajahayo guddoomiye Maxamad Cabdi Maxamuud halka ay arrinkan kasoo horjeesteen.
Amb. Maxamad Cabdi Mahamuud ayaa lagu eedeeyay ku takrifal xafiiseed ,ku xadgudubka dastuurka iyo inuu si aanan habbooneyn u isticmaalay dhaqaalaha ismaamulka Wajeer.
37 wakiilo ah ayaa u codeeyay mooshinka xil ka qaadista halka 10 kalena ay ka soo horjeesteen.
Senatarrada la soo jeediyay in ay dhageystaan xil ka qaadista waxaa ka mid ah; Okong’o Omogeni ,Susan Kihika ,Johnson Sakaja, Mwangi Githiomi, Christine Zawadi, Mithika Linturi, Hargura Godana, Fred Outa, Agnes Muthama, Petronilla Were iyo Issa Juma Boy.
Guddiga Senate-ka oo ka kooban 11-ka xubnood ayaa baari doona eedeymaha ka dambeeya xil ka qaadista.
Waxaa ayna diyaarin doonaan warbixin lagu soo bandhigi doono golaha guurtida ee aqalka sare.