Xildhibaanka Nyali oo la siinaya hal milyan ka dib markii sumcadiisa la dhaawacay

0
730

Maxkamad ku taalla ismaamulka Nairobi ayaa amar ku bixisay in lacag dhan hal milyan oo shilin la siiyo mudanaha laga soo doortay deegaanka Nyali ee ismaamulka Mombasa ee gobolka Xeebta Maxamad Cali.
Lacagtan ayaa ah magdhow ka dib markii ay soo baxday in war laga faafiyay xildhibaanka oo lagu daabacay mid ka mid ah wargeysyada maalinlaha ee Kenya lagu dhaawacay sumcadiisa.
Qoraal uu Maxamad Cali soo dhigay bartiisa rasmiga ee Twitter-ka ayuu ku xaqiijiyay guusha u soo hooyatay.
Sidoo kale shirkadda wargeyska ayaa laga doonaya in ay bixiso qarashaadka ku baxay dacwaddan iyo howlaha maxkamadda.
Mudanaha ayaa maxkamadda dacwad geeyay ka dib markii laga qoray war sheegaya inuu shaqada ka eryay 3 ka mid ah shaqaalaha sanduuqa horumarinta deegaannada ee CDF ka dib markii sida la sheegay uu ku lug lahaada fadeexad la xiriirta lacagaha ardayda looga bixiyo qarashaadka waxbarashada.
Waxaa uu sheegay in warkaas aan niyad wanaagsan laga lahayn balse looga gol-lahaa in lagu sumcad dilo.