Madaxweynaha Ukraine oo qiray in ciidamadiisa ay ka dagaallamayaan Kursk

0
529

Madaxweynaha dalka Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa qiray in ciidamada waddankaasi ay ka dagaallamayaan gobolka Kursk ee Ruushka.
Waxaa uu sheegay in duullaanka ay halkaasi ka wadaan uu caddeyn u yahay in Ukraine ay dhab ahaantii dib u soo celin karto cadaaladda iyadoo la xaqiijinaya in cadaadis la saaro Ruushka .
Ruushka ayaa ilaa saddex gobol oo xuduud la leh Ukraine ku soo rogay tallaabooyin adag oo dhanka amniga ah.
Dagaalka ka socdo gobolka Kursk ee Ruushka ayaa galay maalinkii 6-aad.