Xubnaha ururka shaqaalaha ee waaxda duullimaadka dalka ee (KAWU) ayaa soo saaray wargelin shaqo joojin.
Waxay sheegeen in ay toddobo cishe ka dib ay guda geli doonaan shaqo joojin.
Waxay ka cabanayaan heshiis la sheegay inuu ka dhexeeyo maamulka gagida caalamiga ee diyaaradaha ee JKIA ee magaalada Nairobi iyo shirkadda Adani Airport Holdings Limited oo laga leeyahay India.
Digniinta ururka KAWU ayaa ku soo aadaysa ka dib markii ay horay dowladda uga dalbadeen in ay joojiso dhaqangelinta is-afgaradka JKIA iyo Adani.
Ururkan ayaa ku doodaya in dowladdu aynan adeegsan habraaca habboon ee dhanka sharciga.
Waxay si gaar ah u sheegeen in arrintan aan laga qayb gelin dadweynaha iyo daneeyayaasha howlaha gaadiidka si ay aragtidooda ugu biiriyaan.
Dowladda ayaa horay u beenisay in ay saxiixday heshiis garoonka diyaaradaha ee JKIA looga iibinaya shirkadda Adani ee dalka India.
Waxay caddeysay in is-afgaradka la hadal hayo uu ku saabsan yahay in la ballaariyo garoonka si loo sii wanaajiyo tayadiisa.