DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo sheegay in cid kasta ay u furan tahay in ay ku biirto maamulkiisa

0
269

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in kastoo uu golihiisa wasiirrada xubno ka siiyay xisbiga mucaaradka ee ODM haddana in taasi aynan micnaheedu ahayn in garabyada kale ee siyaasadeed aynan u furnayn la shaqeynta maamulkiisa.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in ujeeddada uu arrintan ka leeyahay ay tahay wanaajinta qaranka iyo horumarintiisa.
Arrintan ayuu ka hadlay xilli uu ku sugnaa ismaamulka Kirinyaga ee Bartamaha dalka.
Madaxweyne Ruto ayaa sheegay in mar hore laga soo gudbay xilliyadii la is eedeyn jiray ama farta la isku fiiqi jiray.
Waxaa uu xusay in hadda ay jiraan caqabado uu waddanka wajahaya balse wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyay in la xallin doono dhibaatooyinkan haddii ay kenyaanka wada shaqeeyaan.