Barta X oo 10 cishe laga xannibay gudaha Venezuela

0
546

Madaxweynaha dalka Venezuela Nicolas Maduro ayaa amray in muddo 10 cishe ah aan gudaha waddankaasi laga adeegsan barta X ee horay loo yaqaanay Twitter-ka.
Waxaa uu milkiilaha bartan, Elon Musk ku eedeyay kicin dadweyne iyo naceyb.
Maduro ayaa saxiixay qaraar uu soo bandhigay maamulka isgaarsiinta ee Venezuela kaasi oo mamnuucaya isticmaalka barta X.
Waxay tani ku soo aadaysa iyadoo weli Venezuela ay ka taagan tahay caro ka dhalatay natiijadii doorashadii guud ee dalkaasi ka dhacday ee uu mar kale ku soo baxay madaxweyne Nicolas Maduro.
Guddiga doorashooyinka ee waddankaasi ayaa shaaciyay in siyaasigan uu helay boqolkiiba 51.2 ee codadkii la dhiibtay 28-kii bishii hore in kastoo uunan soo saarin macluumaad faahfaahsan.
Guddiga ayaa xusay in musharraxii madaxweyne ee mucaaradka ,Edmundo Gonzalez Urrutia uu helay boqolkiiba 44.2 in kastoo sahan dhowr ah oo la sameeyay uu muujiyay inuu ku guulaysan karo codeynta.