Wasaaradda dowladda Ruushka ee maareynta marxaladaha degdegga ah ayaa lagu soo warramayaa in ay xaalad degdeg ah uga dhawaaqday gobolka Kursk.
Ukraine ayaa toddobaadkan gobolkaasi ka billowday duullaan wayn.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada xukuumadda Kyiv ay weerar culus oo dhanka hawada ah ay ku qaadeen saldhigga ciidamada cirka ee Ruushka ee magaalada Lipetsk.
Wasaaradda gaashaandhigga ee dowladda Ruushka ayaa dhankeeda sheegtay in ciidamadeeda ay weli ku howlan yihiin iska caabinta dhigooda Ukraine ee maalinkii afaraad kula dagaallamaya gobolka Kursk .