Ganacsade Jimi Wanjigi ayaa maxkamadda u gudbiyay codsi uu ku doonaya in saraakiisha ammaanka iyo waaxda dacwad oogidda dalka laga hor istaago in ay xabsiga u taxaabaan.
Shalay ayay ahayd markii ciidamada booliiska ay ganacsadahan la xiriiriyeen dibadbaxyadii dhacay ee looga soo horjeeday dowladda.
Waxay ka dalbadeen inuu laamaha ammaanka isku soo dhiibo.
Hasa ahaate , Jimi Wanjigi ayaa sheegaya in ciidamada ay u adeegsadeen sunta dadka ka ilmeysiisa oo ay dabagaleen ilaa gurigiisa iyagoo doonayay in ay soo xiraan.
Waxaa uu maxkamadda waydiistay in iskudayga la doonayay in lagu xiro ay u aqoonsato mid sharci darro ah oo ku xadgudbaya xuquuqdiisa .
Jimi Wanjigi ayaa sidoo kale sheegay in uunan lahayn baabuur ay saraakiisha ammaanka sheegeen in gurigiisa xaafadda Muthaiga ee ismaamulka Nairobi lagu hor baakimay kaasi oo laga dhex helay taleefoono iyo agab kale.