Madaxa wasiirrada dalka ahna wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda Musalia Mudavadi ayaa muwaadiniinta ku nool qurbaha ugu baaqay in ay si buuxda ugu hoggaansamaan xeerarka waddamada ay ku sugan yihiin.
Waxaa uu sidoo kale baaqan u diray shacabka shaqooyinka u raadsanaya qurbaha.
Arrintan ayuu ka hadlay xilli uu sagootinayay 350 qof oo ka howlgeli doono boqortooyada Ingiriiska.
Mudavadi ayaa dadkan uga digay in ay ku lug yeeshaan falal dambiyeedyada.
Waxaa uu xusay in marka qurbajoogta la xiro ay dowladda Kenya caqabado kala kulanto sidii lagu soo siidayn lahaa.