Xisbiga mucaaradka ee ODM ayaa dowladda ugu baaqay in ay soo siidayso kenyaanka la xiray shalay xilli ay ka qayb qaadanayeen dibadbaxyadii dhacay.
Agaasimaha isgaarsiinta ee ODM Phillip Etale ayaa sheegay in dadweynaha ay xaq u leeyihiin in ay sameeyaan isku soo bax nabad ah oo ay ku muujinayaan tabashooyinkooda ka dhanka ah dowladda.
Waxaa uu Etale dalbaday in siidaynta dadka la xiray oo ay laamaha ammaanka ku sheegeen ilaa 174 qof aan wax shuruud ah lagu xirin.
Waxaa uu intaasi ku daray in dadkan badankoodu lagu hayo saldhigga dhexe ee booliiska ee magaalada Nairobi isagoo xusay in shakhsiyaadkan ay ka mid yihiin dad naafo ah sidaasi awgeedna uu doonaya in si degdeg ah ay dib ugu helaan xurriyadooda.