QM oo loogu baaqay in ay si madax bannaan u baarto dhibaateynta maxaabiista Falastiin

0
340

Ururka u doodo xuquuqda maxaabiista Falastiin ee The Palestinian Prisoner’s Society ayaa baaq u diray qaramada midoobay.
Urukan ayaa doonaya in jimciyadda qurumaha ka dhexeysa ay baaritaan heer caalami oo madax bannaan ku sameyso jirdil loo gaysto maxaabiista.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo ay warbixinnada tilmaamayaan in dadka ku jiro xabsiyada Israa’iil lagula kaco tacaddi wayn oo uu ka mid yahay kufsi.