Waxaa uu qorshuhu yahay in galinka dambe ee maanta baarlamaanka loo bandhigo warbixinta laga soo saaray turxaan bixinta wasiirrada uu soo magacaabay madaxweynaha dalka William Ruto ee la soo gabagabeeyay Axaddii.
Tani ayaa ku soo aadaysa ka dib markii guddiga golaha qaran ee xeer dejinta u qaabilsan turxaan bixinta shakhsiyaadka loo soo magacaabo xilalka dowladda uu shalay dhameystiray warbixintiisa.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in aqlabiyadda xubnaha guddigan ay isku raaceen in la ansixiyo magacyada dhammaan wasiirrada.
Waxaa su’aallo la waydiiyay 20 ka mid ah wasiirrada magacaaban oo difaacayay aqoontooda , waaya aragnimadooda shaqo , hufnaantooda iyo sida ay ugu qalmaan qabashada jagooyinka loo igmaday.
Guddoomiyaha baarlamaanka dalka Moses Wetang’ula ayaa horay u sheegay in loo soo gudbiyay in ka badan 1,300 oo ah aragtiyada kenyaanka .
Waxaa uu xusay in qaar ka mid ah shacabka ay sheegeen in aynan u qanacsanayn magacaabidda qaar ka mid ah xubnaha golaha wasiirrada.
Marka warbixinta la soo bandhigo , baarlamaanka ayaa u codeyn doono in ay ansixiyaan ama ay diidaan magacaabidda wasiirrada.
Haddii qaar ka mid ah wasiirrada magacyadooda dhinac la iskaga dhigo, madaxweynaha dalka William Ruto ayaa fursad u haysta inuu magacaabid kale sameeyo balse haddii si aqlabiyad leh uu baarlamaanka ugu codeeyo waxaa magacyadooda lala wadaagaya madaxweynaha si loo dhaariyo oo ay xafiisyada ula wareegaan.