Uhuru iyo Raila oo baarlamaanka ugu baaqay inuu ansaxiyo hindisaha BBI

0
644

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta iyo madaxa xisbiga ODM Raila Odinga ayaa xildhibaanada baarlamaanka ku boorriyay in ay meel mariyaan hindise sharciyeedka BBI.
Mudanayaasha ayay ku soo jeediyeen in ay dhinac iskaga dhigaan doodda ku aaddan qorshahan oo ay ansaxiyaan si wadanka ay uga dhacdo afti dastuuri ah.
Bayaan ay galinkii dambe ee shalay si wadajir ah u soo saareen ayay Uhuru iyo Raila ku sheegeen in xildhibaanada iyo senatarrada laga doonayo in ay tixegeliyaan isbeddellada lagu soo jeediyay hannaanka sharci beddelka ee BBI.
Mas’uuliyiintan ayaa sheegay in ugu yaraan 3 milyan oo Kenyaan iyo wakiillada 44 ka mid ah ismaamullada dalka ay saxiixyadooda ku taageereen qorshahan sidaas awgeedna labada gole looga baahan yahay in ay u codeyaan.