Hay’adda caalamiga ee xuquuqul aadanaha ee Amnesty International iyo in ka badan 200 oo ah hay’adaha aan dowliga ahayn ee loo yaqaano NGOs-yada ayaa qaramada midoobay u soo jeediyay in ay dowladda Myanmar ku soo rogto cunaqabatayn dhanka hubka ah.
Soo jeedintan ayaa loo aaneeyay qaabka ay ciidamada militariga kaga falcelinayaan dibadbaxyada oo lagu tilmaamay adeegsiga awood xad dhaaf ah.
Qareen sare oo la shaqeeya hay’adda Amnesty International oo lagu magacaabo Lawrence Moss ayaa sheegay in golaha ammaanka ee qaramada midoobay laga doonayo in uu baaqa loo jeediyay si degdeg ah u tixgeliyo.
Mudaharaadyada oo ay shacabka kaga soo horjeedaan afgembigii militari ee 1-dii bishii labaad ee sanadkan ayaa waxaa ilaa iyo hadda lagu dilay ku dhawaad 770 qof halka in ka badan 4,500 xabsiyada la dhigay.