DHAGEYSO:Madaxa ODM oo ganacsatada suuqa Toi ugu deeqay 1.5 milyan oo shilin

0
178

Madaxa xisbiga ODM Raila Odinga ayaa ganacsatada suuqa Toi ee deegaanka Kibera ee ismaamulka Nairobi oo uu dhawaan dab saameeyay ugu deeqay lacag dhan 1.5 milyan oo shilin.
Waxaa uu sidoo kale ku wareejiyay 1000 xabbo oo ah saqafyada dhismaha.
Mr. Odinga ayaa dalbaday in si degdeg ah loo billaabo dhismaha xayndaab suuqaasi lagu wareejinaya.
Raila oo arrimahan ka hadlayay ayaa yiri.

Dhankiisa, senatarka ismaamulka Nairobi ahna xoghayaha guud ee xisbiga ODM Edwin Sifuna ayaa sheegay in aynan jirin cid si sharci darro ah ku qaadan karto dhulka uu suuqa Toi ku yaalla.
Waxaa uu sheegay in ay u yeeri doonaan barasaabka dowlad deegaanka Nairobi Johnson Sakaja si wax looga waydiiyo dhacdooyinka dabka ee ku soo noqnoqday suuqyada ku yaalla caasimadda dalka.

Madaxda ODM ayaa dalbaday in baaritaan lagu sameeyo sababtii keentay in dhawaan uu gubto suuqa Toi halkaasi oo ay afar qof ku dhinteen.
Waxay doonayaan in lala xisaabtamo cid kasta oo falkaasi ku lug lahayd.