DHAGEYSO:Niqaabka ay xirtaan haweenka oo laga mamnuucay Kismaayo iyo saameyn ka dhalatay

0
238

Taliska booliiska magaalada Kismaayo ayaa sheegay in ay xabsiga dhigi doonaan ayna ganaaxi doonaan haweenayda lagu qabto iyada oo xiran indhashareer, sababo la xiriira cabsi laga qabo in kooxda Al Shabaab ay ku dhex dhuuntaan oo ay weerarro gaystaan.
Ciidamada booliiska ayaa xaafadaha magaalada Kismaayo ka sameeyay howlgal lagu mamnuucayo xirashada indha shareerka, iyadoo horay looga soo saaray awaamiir lagu joojinayo xerashada niqaabka haweenka.
Taliyaha saldhigga degmada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, Warsame Axmad Geelle ayaa sheegay in markii ay taariikhdu ahayd 31-dii bishii hore la joojiyay xirashada Indha shareerka, si loo adkeeyo amniga magaaladaasi.
Waxaa uu sheegay in afartii maalmood ee la soo dhaafay ay ciidamadu uruuriyeen dhowr boqol oo niqaab ah oo suuqyada lagu iibiniyay kuwaas oo meel fagaare ah lagu gubay .