Waaxda dacwad oogidda dalka ee ODPP ayaa maxkamadda ka codsatay in ay u oggolaato in muddo 30 cishe ah xabsiga lagu sii hayo 6 eedeysanayaal.
Shakhsiyaadkan ayaa loo haystaa in ay sameeyeen khiyaano maaliyadeed.
Waaxdan ayaa hoosta ka xarriiqday in ay doonaysa in baaritaannada ka dhanka ah tuhmanayaasha lagu soo gabagabeeyo muddadan gudaheeda.
Waxyaabaha kale ee loo haysto dadkan waxaa ka mid ah in ay isbeddello ku sameeyeen dokumeentiyo oo ay si been abuur ah ku qaateen dokumeentiyada diiwaangelinta.
Waxaa codsigan maxkamadda u gudbiyay qareenka ODPP James Gachoka.
Eedeysanayaasha ayaa kala ah Benedict Mwangangi Ngala, Joel Kakuli Mwangani, Vincent Boaz Owang, Titus Wambua Kathuku, Sylvester Mwanzia Mwanthi, iyo Erick Omondi Ojwang.
Garsoore sare Bernard Ochoi ayaa lagu wadaa inuu maanta go’aan ka soo saaro codsiga waaxda dacwad oogidda dalka.
Eedeysanayaasha ayaa hadda ku jiro saldhigga booliiska ee Muthaiga ee magaalada Nairobi.