Dowladda oo shaqaaleysiin doonto 46,000 oo macallimiin ah

0
192

Waxaa uu qorshuhu yahay in si joogto ah loo howlgeliyo 46,000 oo ah ardayda bartay macallinnimada ee maray tijaabada shaqo ee wax ka dhiga fasallada hoose ee dugsiyada sare ee loo yaqaano JSS.
Tani ayaa timid ka dib markii madaxweynaha dalka William Ruto uu qalinka ku duugay miisaaniyad dheeraad ah oo uu baarlamaanka meel mariyay.
Golaha qaran ee xeer dejinta ayaa guddiga adeegga barayaasha ee TSC u qoondeeyay 18.6 bilyan oo shilin.
TSC ayaa horay baarlamaanka u sheegtay in ay u baahan tahay 8.3 bilyan oo shilin oo ay bisha Koowaad ee sanadka 2025-ka ku howlgeliso 26,000 oo macallimiin ah.
Barayaasha ayaa qaybaha kala duwan ee dalka ka sameynayay dibadbaxyo ay ku dalbanayeen in la soo afjaro nidaamka qandaraaska ah ee ay ku shaqeeyaan.
Sidoo kale 31.3 bilyan oo shilin ayaa loo qoondeeyay deeqaha waxbarasho iyo amaahda ardayda looga bixiyo jaamacadaha ee HELB .
Guddiga sanduuqa jaamacadaha ee dalka ayaa lagu wareejiyay 17 bilyan oo shilin.
Miisaaniyadda dheeraadka ah ee uu baarlamaanka ansixiyay 31-dii bishii hore ee uu madaxweynaha dalka saxiixay waxaa qayb ka ah 20 bilyan oo lagu taageeraya beeralayda si loo kobciyo wax soo saarkooda.
Sidoo kale ,16.2 bilyan oo shilin ayaa loogu talagalay waaxyaha caafimaadka iyo sare u qaadidda barnaamijka caafimaadka guud ee UHC.
Dowladda ayaa 3.5 bilyan oo shilin u qoondeysay in mushaaraadka loo kordhiyo saraakiisha ammaanka.
Xeerka cusub ee miisaaniyadda dheeraadka ee uu hoggaamiyaha qaranka saxiixay waxaa ku xusan in la yareeyo qarashaadka laamaha dowladda sida baarlamaanka , golaha fulinta iyo garsoorka.
Sidoo kale waxaa dhaqaalaha horumarineed laga dhimaya guddiyada dastuuriga iyo xafiisyada madaxa bannaan.
Waxay tani micnaheedu tahay in dhaqaalaha ay dowladdu u adeegsato dhanka horumarka iyo maareynta howlaheeda kala duwan laga dhimay 145.7 bilyan oo shilin.
Miisaaniyadda golaha fulinta ee dowladda ayaa laga jaray 139.81 bilyan, baarlamaanka (3.7 bilyan) halka waaxda cadaaladda dhaqaalaheeda laga dhimay 2.1 bilyan oo shilin.
Sidoo kale waxaa miisaaniyadda madaxtooyada dalka ee State House iyo xafiiska madaxweyne ku xigeenka waddanka laga dhimay 6 bilyan.
Dhanka kale, dhaqaalaha wasaaradda maaliyadda ayaa waxaa laga dhimay 7 bilyan oo shilin.
Wasaaradda caafimaadka iyo wasaaradda gaadiidka ayaa miisaaniyadooda laga kala dhimay 6.9 bilyan iyo 17.3 bilyan oo shilin.