Barasaabka ismaamulka Nairobi Johnson Sakaja ayaa sheegay in maamulkiisa uu caawin doono in ka badan 2,000 oo ganacsato ah oo ku hanti beelay dabkii saameeyay suuqa Toi ee caasimadda dalka.
Waxaa sidoo kale halkaasi ku dhintay afar qof.
Bayaan uu soo saaray ayuu Sakaja ku sheegay inuu murugada la qaybsanaya ganacsatada iyo kuwa dhintay .
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in uunan marnaba ka gaabin doonin taageeridda dhbibanayaasha.
Bayaanka Sakaja ayaa yimid ka dib markii ganacsatada suuqa Toi ee gubtay oo careysan ay dhagaxaan ku tuureen guddoomiyaha Nairobi oo halkaasi tagay .
Waxay waaxda dab damiska ee Nairobi ku eedeyeen habacsanaan la xiriirta ka falcelinta dabka.