Dowladda Turkiga oo xannibtay adeegsiga Instagram

0
433

Maamulka qaran ee isgaarsiinta ee dalka Turkiga ayaa xannibaad saaray isticmaalka barta Instagram-ka.
Maamulka BTK ayaan faahfaahin ka bixin go’aanka uu maanta qaatay iyo muddada uu amarkan sii shaqeyn doono.
Arbacadii ayay ahayd markii agaasimaha isgaarsiinta ee madaxtooyada Turkiga Fahrettin Altun uu maamulka Instagram ku eedeyay inuu xayiray farriimaha tacsida ka dib dilkii madaxii ururka Xamaas ee Falastiin Ismaaciil Haniyeh. Warbaahinta maxalliga ee Turkiga ayaa ku warramaysa in barta Instagram ay adeegsadaan in ka badan 50 milyan oo qof oo ka mid ah 85 milyan oo waddankaasi ku nool.