Ducaale oo sheegay in musuqmaasuqa uu ka daran yahay Al-Shabaab

0
637

Waxaa maanta su’aallo la waydiiyay Aadan Barre Ducaale oo uu madaxweynaha dalka William Ruto u soo magacaabay wasiirka deegaanka , kaymaha iyo isbeddelka cimillada.
Ducaale oo horay u hoggaaminayay wasaaradda gaashaandhigga ayaa sheegay in madaxweynaha uu xaq u leeyahay inuu u wareejiyo wasaaradda uu damco.
Sidoo kale waxaa uu xusay inuu wasaarad kasta qaranka ugu adeegi karo.
Aadan Barre Ducaale oo ka hadlayay dhibaatada uu leeyahay musuqmaasuqa ayaa sheegay in xita uu ka daran yahay Al-Shabaab.
Tani ayaa timid ka dib markii hoggaamiyaha aqbaliyadda baarlamaanka dalka Kimani Ichung’wa uu Ducaale waydiiyay su’aal ahayd sida uu qorsheynaya inuu ula tacaalo boobka dhulalka keymaha.
Waxaa uu sheegay in arrintan uu sababo musuqmaasuq jira.
Aadan Barre Ducaale ayaa sheegay in saraakiisha ammaanka ay aqoonsan karaan xubnaha Al-Shabaab balse ay adag tahay in si degdeg ah loo aqoonsado dadka boobo dhulalka keymaha haddii aan dacwad la geyn maxkamadda.
Waxaa uu qiimaha lacageed ee hantidiisa ku sheegay 980 milyan oo shilin.
Ducaale ayaa carrrabka ku adkeeyay in haddii magacaabidiisa la meel mariyo uu 30-ka cishe ee ugu horreysa isagoo kaashanaya wasaaradda arrimaha dhulalka iyo maamullada kale meesha laga saari doono sabar loogooyinka xubno sare oo ka tirsan dowladda oo qaarkood xildhibaano ah kuwaaso uu sheegay in ay si sharci darro ah kula wareegeen dhulalka rasmiga ee keymaha.
Sidoo kale waxaa abaare 3-da galabnimo ee maanta la turxaan bixin doonaa wasiirka magacaaban ee gaadiidka iyo waddooyinka ,Davis Chirchir iyo wasiiradda warfaafinta , isgaarsiinta iyo dhaqaalaha casriga ah Margaret Nyambura Ndung’u (5-ta galabnimo)
Shalay ayay ahayd markii la turxaan bixiyay wasiirrada magacaaban ee kala ah Prof. Kithure Kindiki(arrimaha gudaha iyo maamulka qaran) ,Dr. Debra Mulongo Barasa(Caafimaadka), Alice Wahome (Arrimaha dhulalka, howlaha guud, guriyeynta iyo horumarinta magaalooyinka) ,Mr. Julius Migosi Ogamba(Waxbarashada) iyo Roselinda Soipan Tuya(Gaashaandhigga)
Tuya oo la wareegtay xilkii uu hayay Adan Barre Ducaale ayaa qiimaha hantideeda ku sheegtay 243 milyan oo shilin.