Julius Ogambo oo uu madaxweynaha dalka William Ruto u soo magacaabay wasiirka wasaaradda waxbarashada ayaa xilli uu baarlamaanka turxaan bixinayay ballan qaaday inuu u ololeyn doono sidii waaxda tacliinta loogu qoondeyn lahaa miisaaniyad ku filan.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in caqabadaha dhanka waxbarashada ee dalka ka jiro ay salka ku hayaan gaabad dhaqaale.
Ogambo ayaa sheegay inuu si dhow ula shaqeyn doono wasaaradda maaliyadda iyo qorsheynta dhaqaalaha qaranka si la iskugu dubarido raasimaalka barnaamijyada tacliinta.
Sidoo kale waxaa uu xusay inuu ku dadaali doono sidii looga hor tagi lahaa in xilli dugsiyeedka saddexaad ee sanadkan aynan macallimiinta shaqo joojin ku dhaqaaqin.
Dhawaan ayay ahayd markii ay ururrada macallimiinta dalka ee KNUT iyo KUPPET ay wacad ku mareen in xubnahooda ay shaqo joojin qaran sameyn doonaan haddii aynan dowladdu ka laaban miisaaniyadda ay ka yareysay guddiga adeegga macallimiinta ee TSC.
Julius Ogambo ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay in maamulayaasha dugsiyada sare ee waalidiinta ka dalbanaya in ay bixiyaan lacago dheeraad ah ay ku xadgudbayaan xeerarka iyo tilmaamaha wasaaradda waxbarashada ee dalka .
Waxaa uu arrintan u aaneeyay in guddiga adeegga macallimiinta ee TSC uu ka gaabiyay inuu soo saaro ciqaabo adag oo ka dhan ah maamulayaasha sidan sameeya.