DHAGEYSO:Guddiga fulinta ee xisbiga UDA oo maanta kulan yeelanaya

0
196

Waxaa maanta kulan yeelan doono guddiga qaran ee fulinta ee xisbiga UDA ee NEC.
Mas’uuliyiintan ayaa ka arrinsan doono khilaaf dhanka hoggaanka ah oo la sheegay inuu ka dhex jiro xisbiga talada waddanka haya.
Dhawaan ayay ahayd markii ay rabshado ka dhaceen xarunta dhexe ee UDA ee magaalada Nairobi ka dib markii koox ka soo horjeedda xoghayaha guud ee xisbiga Cleophas Malala ay isku dayeen in ay xafiiska ka saaraan.
Hoggaamiyaha aqlabiyadda aqalka sare ee dalka ahna senatarka ismaamulka Kericho Aaron Cheruiyot oo xubin ka ah guddiga maanta shiraya ee NEC ayaa sheegay in ay xallin doonaan isqabqabsiga jira.