Taliyaha booliiska ee gobolka Nyanza Patrick Tito ayaa sheegay inuu ka walacsan yahay kiisaska shaqaaqooyinka ka dhex dhaco qoysaska oo uu sheegay in ay kordheen saddexdii bilood ee ugu dambeeyay.
Tito ayaa xusay in laga soo billaabo bishii Afaraad ilaa bishii Toddobaad ee sanadkan , booliiska lagu soo wargeliyay 16 kiis oo rabshadaha qoyska ah.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in 15 ka mid ah dhacdooyinkan ay dhimasho sababeen iyadoo dhibbanaha 16-aad weli la daaweynaya.
Taliyaha ayaa sheegay in kiisaskan ay ku saabsan yihiin nin xaaskiisa dilay ama haweeney seygeeda ka takhalustay.
Gobolka Nyanza waxaa uu ka kooban yahay ismaamullada Kisumu , Nyamira, Siaya , Homa Bay, Kisii iyo Migori.
Patrick Tito ayaa laga soo xigtay in marka lagu saleeyo macluumaadka dalka in gobolka Nyanza uu meelaha kale uga horreeyo dhanka gudbinta warbixinnada iskudhacyada qoyska.
Xilli uu maanta warbaahinta kula hadlayay ismaamulka Kisumu ayuu lamaanaha ugu baaqay in haddii uu khilaaf soo kala dhex galo ay wada xaajoodaan oo aynan dhibaato isku gaysan.
Home Wararka Kenya Madaxa booliiska ee Nyanza oo walaac ka muujiyay shaqaaqooyinka qoyska ee kordhay