Safaaradda Maraykanka ee Kenya oo ku baaqday xaqiijinta hufnaanta wasiirrada magacaaban

0
311

Safaaradda Maraykanka ee magaalada Nairobi oo bayaan soo saartay ayaa maamullada dalka ku boorrisay in ay xaqiijiyaan in shakhsiyaadka loo soo magacaabay xilalka wasiirrada ay yihiin kuwo hufan oo u qalmo jagooyinka loo igmaday ka hor inta aynan xafiisyada la wareegin.
Tani ayaa ku soo aadaysa iyadoo baarlamaanka uu maanta billaabay inuu turxaan bixiyo xubnaha golaha wasiirrada ee magacaaban.
Safaaradda ayaa qoraalkeeda ku sheegtay in ay dowladda Kenya ku taageeraysa mabaadii’da dimuqraadiyadeed iyo maamul wanaagga.
Cutubka 6-aad ee dastuurka dalka ayaa qeexaya in dhammaan shaqaalaha dowladda laga doonaya in ay u hoggaansamaan hal-beegga ugu sarreeya ee dhanka hufnaanta , kartida shaqo iyo daacadnimada.
Tani ayaa looga gol-leeyahay xoojinta isla xisaabtanka , daahfurnaanta iyo habdhaqanka asluubeysan ee howlwadeennada waaxda adeegga dadweynaha ee dalka.
Safaaradda Maraykanka ee magaalada Nairobi ayaa sheegtay in haddii waxyaabahan la hubiyo ay dowladdu noqonaysa mid daahfuran oo wax ku ool ah.