Guddiga anshaxa iyo la dagaallanka musuqmaasuqa ee EACC ayaa baaritaano ku billaabay falal wax isdaba marin ah oo laga soo tabiyay ismaamulka Bomet.
Tani ayaa timid ka dib markii ay soo baxday fadeexad dhanka qandaraasyada ah oo la rumeysan yahay in lagu lunsaday 373 milyan oo shilin.
Qandaraaskan ayaa la xiriiray in dowladda hoose ee ismaamulka Bomet ay soo iibsatay agabka culus ee waddooyinka lagu dhiso iyo baabuurta xamuulka qaada.
Waxaa baaritaano lagu hayaa saraakiil ka tirsan dowladda ismaamulka Bomet iyo waaxyo gaar ah oo ay EACC sheegtay in ay fadeexaddan iska kaashadeen.
EACC ayaa warqad u qortay xoghayaha Bomet iyadoo dalbanaysa dokumeentiyada maaliyadeed ee gacan ka gaysan karo baaritaannada.
Afhayeenka EACC Eric Ngumbi, ayaa sheegay in tallaabo sharciyeed laga qaadi doono cid kasta oo lagu cadeeyo lunsashada kheyraadka dadweynaha.