Golaha ammaanka ee qaramada midoobay ee UNSC ayaa yeelanaya kulan degdeg ah.
Waxaa fadhigan looga arrinsanaya xiisadda sii kordhaysa ee ka taagan Bariga Dhexe ee ka dhalatay dilkii ay Israa’iil u gaysatay madaxii ururka Xamaas sidoo kalena ahaa hoggaamiyaha siyaasadeed ee ururkan Ismaaciil Haniyeh.
Hoggaamiyahan ayaa lagu dilay magaalada Tehraan ee dalka Iiraan.
Sidoo kale , xiisadda ayaa sii korortay ka dib markii ururka Xisbullahi ee dalka Lebanon laga dilay taliyahoodii Fuad Shukr.