Ugu yaraan 19 qof oo ku dhintay dhul go’ saameeyay India

0
223

In ka badan 19 ruux ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen dhacdooyin dhul go’ ah oo laga soo tabiyay gobolka Kerala ee Koonfurta dalka India.
Boqolaal qof oo kale ayaa la rumeysan yahay in ay weli ku hoos xanniban yihiin burburka musiibadan ka dhashay.
Waxaa weli socdo howlaha samatabixinta in kastoo roobab culus oo da’aya ay sii adkeynayaan dadaallada badbaadinta.
Meelaha uu dhul go’a saameeyay waxaa ka mid ah degmada Wayanad.
Dadka la xaqiijiyay in ay dhinteen waxaa ka mid ah ugu yaraan labo carruur ah.
Waxaa la howlgeliyay oo samatabixinta ka qayb qaadanaya in ka badan 200 oo ah saraakiisha qalabka sida iyo labo ka mid ah diyaaradaha qummaatiga u kaca ee militariga hawada ee India.
Ra’iisul Wasaaraha India Narendra Modi ayaa sheegay in dhibaatooyinka ka taagan Kerala ay murugo ku beereen wuxuuna shacabka u xaqiijiyay in xukuumadiisa ay sameynaysa wax kasta oo ay awooddo si loo caawiyo dhibbanayaasha.