Waaxda socdaalka oo fududaynaysa bixinta adeegga baasaboorka

0
411

Waaxda socdaalka ee dalka ayaa shaacisay qorsho lagu fududeynaya bixinta baasaboorka.
Bayaan ay waaxdu soo saartay ayay ku sheegtay in hadda ka dib dadka codsado baasaboorka aan looga baahan doonin in ay ballan qabsadaan si ay u qaataan dokumeentigan marka loo soo saaro.
Waxaa bayaanka ku cad in qofka uu helaya farriin wargelin ah oo ka socoto waaxda socdaalka ee dalka taasi oo ku saabsan in baasaboorkiisa la soo saaray oo la daabacay.
Waxaa uu intaasi ka dib qofka tagaya goobtii uu ka codsaday si dokumeentigan muhiimka ah loogu wareejiyo.