Senatarka Busia oo ku baaqay in la baaro habdhaqanka booliiska

0
199

Senatarka ismaamulka Busia Okiya Omtatah ayaa doonaya in waaxda arrimaha gudaha ee (IAU) ee adeegga qaran ee booliiska ay baaritaano ku sameyso dilal ciidamada ammaanka lagu eedeyay in ay gaysteen intii ay socdeen dibadbaxyadii ka dhanka ahaa dowladda.
Warqad uu u qoray waaxdan ayuu senatarka ku dalbaday in baaritaannada ay noqdaan kuwo qoto-dheer.
Omtatah ayaa ku adkeysanaya in ay lagama maarmaan tahay in dabagal lagu sameeyo sidii loo qorsheeyay howlgalladii falcelinta ee booliiska.
Sidoo kale , waxaa uu dalbaday in la cadeeyo sababta keentay in dibadbaxyada ay la tacaalaan qaar ka mid ah saraakiisha oo aan ku labisnayn dariiskooda rasmiga ah.
Okiya Omtatah ayaa sidoo kale doonaya in lala xisaabtamo oo maxkamadda la soo taago cid kasta oo dilal u gaysatay dibadbaxayaasha.