Guddiga baarlamaanka dalka u qaabilsan turxaan bixinta lagu sameeyo shakhsiyaadka loo soo magacaabo xilalka kala duwan ee dowladda ee uu hoggaamiyo guddoomiyaha golaha qaran ee xeer dejinta Moses Wetangula ayaa soo saaray jadwalka turxaan bixinta wasiirrada magacaaban.
Wasiirrada ayaa su’aallo la waydiin doonaa laga billaabo maalinka Khamiista ee toddobaadkan ilaa Axadda.
Khamiista oo ay taariikhdu ku beegan tahay 1-da bisha Siddeedaad ee sanadkan waxaa abaare 8-da subaxnimo la turxaan bixin doonaa Prof. Kithure Kindiki oo uu madaxweyne William Ruto mar kale u soo magacaabay xilka wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran.
Waxaa isla maalinkaasi su’aallo la waydiin doonaa Dr. Debra Mulongo Barasa , wasiirrada loo soo magacaabay caafimaadka ( abaare 10-ka barqannimo),Alice Wahome wasiiradda arrimaha dhulalka, howlaha guud, guriyeynta iyo horumarinta magaalooyinka (12-ka duhurnimo), Mr. Julius Migosi Ogamba, wasiirka waxbarashada (3-da galabnimo) iyo Roselinda Soipan Tuya, wasiiradda difaaca (5-ta galabnimo).
Jimcada oo ay taariikhda tahay 2-da bisha Sideedaad waxaa la turxaan bixin doonaa Dr.Andrew Mwihia Karanja, wasiirka beeraha iyo xannaannada xoolaha (8-da subaxnimo),Aadan Barre Ducaale, wasiirka deegaanka , kaymaha iyo isbeddelka cimillada (10-ka barqannimo) ,Wasiirka magacaaban ee biyaha, nadaafadda iyo waraabka Eric Muriithi Muuga(12-ka duhurnimo) ee Jimcada ,Davis Chirchir wasiirka gaadiidka iyo waddooyinka (3-da galabnimo ) iyo wasiiradda warfaafinta , isgaarsiinta iyo dhaqaalaha casriga ah Margaret Nyambura Ndung’u (5-ta galabnimo)
Sabtida,John Mbadi wasiirka maaliyadda (8-da subaxnimo), Salim Mvurya wasiirka ganacsiga iyo maalgashiga(10-ka barqannimo), Rebecca Miano , wasiiradda dalxiiska iyo duurjoogta ( 12-ka duhurnimo) ,Opiyo Wandayi, wasiirka magacaaban ee tamarta iyo batroolka (3-da galabnimo) iyo Kipchumba Murkomen, wasiirka loo magacaabay arrimaha dhallinyarada , cayaaraha iyo hal-abuurka dhaqaale oo su’aallo la waydiin doono (5-ta galabnimo ee Sabtida)
Maalinka ugu dambeya ee turxaan bixinta oo ah Axadda 4-ta bisha Sideedaad ee sanadkan waxaa abaare 8-da subaxnimo su’aallo la waydiin doonaa Cali Xasan Joho wasiirka magacaaban ee macdanta iyo khayraadka badaha , waxaa ku xigi doono Dr. Alfred Mutua , wasaaradda shaqaalaha iyo badbaadinta bulshada abaare 10-ka barqannimo , Wycliffe Oparanya, wasiirka ishaashatooyinka iyo ganacsiyada yaryar (12-ka duhurnimo) , Justin Muturi, wasiirka adeegga dadweynaha (3-da galabnimo) iyo Stella Soi Langat, wasiiradda magacaaban ee jinsiyadda , dhaqanka farshaxanka iyo hiddaha oo la turxaan bixin doono 5-ta galabnimo ee Axadda.