Urur doonaya in dibadbaxayaasha aan laga hor istaagin madaxtooyada

0
268

Waxaa maxkamadda sare ee dalka dacwad u gudbiyay dalladda ururrada rayidka oo ku mideysan Linda Jamii.
Waxay ka soo horjeedaan xeerka dastuurka ee meelaha ilaashan ee Protected Areas Act oo xaddidaya in la galo xarumaha sida madaxtooyada dalka ee State House.
Dalladdan ayaa hoosta ka xarriiqday in ay taliyaha guud ee ciidanka booliiska dalka Douglas Kanja ku wargeliyeen in ay qorsheynayaan in berri dibadbaxayaasha ay cabashadooda u gudbiyaan madaxtooyada Nairobi.
Sidoo kale , waxay doonayaan in socdaallo noocani ah lagu tago xarumaha madaxtooyada yar ee Mombasa, Kisumu, Sagana, Nyeri, Eldoret, Nakuru, Kakamega iyo Kitale.
Xeerka meelaha ilaashan waxaa ku cad in goobahan uunan tagi karin qof aan oggolaansho haysan cidii sidan sameysana la xiraya ilaa 2 sano ama lagu ganaaxaya 5,000 oo shilin mise labaduba la isugu daraya.