Kenya oo gudbisay musharraxnimada Raila ee xilka AU-da

0
243

Dowladda Kenya ayaa si rasmi ah Midowga Afrika ugu gudbisay go’aanka ay madaxa isbeheysiga mucaaradka ee Azimio Raila Odinga ugu soo xulatay inuu u tartamo jagada guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika ee (AUC).
Doorashadan ayaa la qaban doonaa bisha Labaad ee sanadka 2025-ka.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka ayaa musharraxnimada Kenya oo uu Mr. Odinga ku matalaya maanta ku soo bandhigtay caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa.
Waxaa arrintan gudbiyay xoghayaha arrimaha dibadda ee Kenya Korir Sing’Oei .
Cid kasta oo doonaysa in ay xilka guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika u tartanto ayaa haysata ugu dambeyn 6-da bisha Sideedaad ee sanadkan.
Haddii uu Raila jagadan ku guulaysto waxaa uu beddeli doonaa Moussa Faki Mahamat oo dhalasho ahaan ka soo jeedo dalka Chad.