8 sarkaal oo loo xiray biyo xireeno ku dumay Libya

0
344

Maxkamad ku taalla dalka Libya ayaa xirtay 8 sarkaal .
Howlwadeennadan ayaa lagu eedeyay in ay ka gaabiyeen mas’uuliyadooda taasi oo sababtay in ay burburaan ceel biyoodyo dhowr ah sanadkii hore.
Waxaa dhacdooyinkaasi ku dhintay kumanaan qof oo ka mid ahaa shacabka magaalada Derna oo ay xilligaasi daadad saameeyen.
In kastoo markii hore la soo xiray 12 sarkaal haddana xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Libya ayaa sheegay in 8 ka mid ahaa eedeysanayaasha lagu xukumay 9 ilaa 27 sano oo xabsi ah.
Afarta kale ayaa wax dembi ah lagu waayay oo la siidaayay.