DHAGEYSO:Kalonzo oo ku baaqay in aan la ansixin magacyada xubnaha ODM ee loo magacaabay wasiirrada

0
416

Madaxa xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka ayaa xildhibaannada baarlamaanka ee ka tirsan xisbiga uu hoggaamiyo iyo si guud siyaasiyiinta isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya ugu baaqay in marka turxaan bixinta la sameynaya aynan codkooda ku taageerin xubnaha ODM ee uu dhawaan madaxweynaha dalka William Ruto ku soo daray golihiisa wasiirrada.
Musyoka ayaa sheegay in aan arrintan lagala tashan.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in sida keliya ee xisbiga ODM uu kenyaanka ugu xaqiijin karo in uunan taageersanayn magacaabidda xubnahan ay tahay in aan loo codeyn si ay ula wareegaan xilalka wasiirnimo ee loo igmaday.

Wasiirrada magacaaban ee ka tirsan ODM ayaa kala ah John Mbadi(Maaliyadda iyo qorsheynta dhaqaalaha), Cali Xasan Joho(Macdanta), Opiyo Wandayi(Tamarta) iyo Wycliffe Oparanya(Iskaashatooyinka iyo ganacsiyada yaryar).
John Mbadi ayaa ah guddoomiyaha xisbiga ODM, Cali Xasan Joho iyo Wycliffe Oparanya ayaa labaduba ah hoggaamiye ku xigeennada xisbiga halka Opiyo Wandayi uu yahay madaxa siyaasiyiinta laga tirada badan yahay ee baarlamaanka.
Hadalka Kalonzo Musyoka ayaa ku soo aadaya maalmo un ka dib markii xoghayaha guud ee ODM ahna senatarka ismaamulka Nairobi Edwin Sifuna uu sheegay in siyaasiyiintan si iskood ah loogu magacaabay xilalka wasiirrada oo uunan xisbiga u ololeyn ama soo xulan.
Magacaabidda afarta wasiir ee ka tirsan xisbiga mucaaradka ee ODM ayaa waxaa dhowr mar oo ay maanta ugu dambeysay difaacay madaxweynaha dalka William Ruto oo sheegay inuu uga gol-leeyahay soo dhisidda xukuumad ka turjumaysa midnimo qaran.