Xisbiga ODM ayaa soo afjaray xubinimada mudanaha laga soo doortay deegaan baarlamaneedka Rarieda ee ismaamulka Siaya Otiende Amollo oo ka tirsanaa guddiga arrimaha sharciga iyo cadaaladda ee baarlamaanka ee (JLAC).
Waxaa arrinkan xaqiijiyay hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka Amos Kimunya.
Otiende Amollo ayaa lagu beddelay dhiggiisa Ruaraka TJ Kajwang.
Tallaabada uu qaaday xisbiga ODM ayaa lagu tilmaamay mid lagu aamusiinaya siyaasiyiinta dhaliilsan qorshaha sharci beddelka ee BBI.
Xildhibaanka Rarieda oo ahaa guddoomiye ku xigeenka guddiga JLAC ayaa su’aal geliyay soo jeedinta la xiriirta in la soo kordhiyo 70 deegaan baarlamaneed oo dheeraad ah.