Dowladda dalka Itoobiya ayaa ku dhawaaqday saddex cisho oo baroordiiq qaran ah, ka dib marki la xaqiijiyay in 257 qof ay ku dhinteen labo dhul go’ oo saameeyay koonfurta wadankaasi.
Musiibadan ayaa la soo tabiyay maalmihii Axadda iyo Isniinta ee toddobaadkan.
Bayaan ka soo baxay baarlamaanka dalka Itoobiya ayaa lagu sheegay in baroordiiqda loo sameynayo dhibbanayaasha ay maanta billaabatay.
Guddiga maareynta musiibooyinka ee wadanka Itoobiya ayaa sheegay in ay si wanaagsan u socdaan howlaha samatabbixinta iyo gargaarka bini’aadannimo.
Hay’adda qaramada Midoobay u qaabilsan isku duwidda arrimaha bini’aadannimada ee OCHA, oo soo xiganeysa saraakiisha deegaanka ayaa sheegtay, in duufaanno ka dhashay roob xooggan uu sababay dhul go’a ka dhacay tuulada yar ee Kencho Shacha Gozdi.
Waxay ka digtay in tirada dhimashada ay sii kordhi karto.
Waa tiradi ugu badneyd oo dhul go’ ugu dhimata dalka Itoobiya, iyada oo ay wali sii socdaan howlaha gurmadka.