Kamala Harris oo sheegtay in aynan ka aamusi doonin dhibaatooyinka Falastiiniyiinta

0
535

Madaxweyne ku xigeenka Maraykanka ahna musharrax madaxweyne Kamala Harris ayaa Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ugu baaqday inuu ka shaqeeyo sidii lagu gaari lahaa heshiis nabadeed oo lagu soo afjaraya duullaanka militari ee Qaza.
Waxay muujisay isbeddel la xiriira siyaasadda Maraykanka ee arrimaha ka taagan Qaza.
Kamala ayaa xilli ay la kulantay Netanyahu sheegtay in aynan marnaba ka aamusi doonin dhibaatooyinka ka jira Marinka Qaza ee dalka Falastiin.