DHAGEYSO:Dowladda Soomaaliya oo dalkeeda ka mamnuucday dawooyinka maanka dooriya

0
531

Wasiir ku xigeenka wasaaradda caafimaadka ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamad Xasan Maxamad Bulaale ayaa sheegay inay dalka mamnuuc ka tahay in la soo geliyo dawooyinka loo isticmaalo daroogo ahaanta ee maanka dooriya.
Waxaa uu uga digay dadka Soomaaliyeed ee ka ganacsada dawoonyinkaasi inay ka waantoobaan, isagoona ku hanjabay in tallaabooyin adag ka qaadi doonto xukuumadda dadka ganacsatada ah ee dawooyinka maanka dooriya ee dalka soo galiya.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in xukuumadda ay ka go’an tahay wax ka qabashada dawoyinka si guud ahaan ganacsatada Soomaaliyeed wadanka u soo galiyaan ee bilaa tayada ah.

Hadalka mas’uulkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo Soomaaliya la sheego inay ka mid tahay dalalka ugu liita dhinaca caafimaadka, maadama aysan jirin koontorool rasmi ah oo lagu sameeyo dawooyinka la keenayo dalka oo ay soo sameystaan dad ganacsato.