Madaxa wasiirrada dalka ahna wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo qurbajoogta Musalia Mudavadi ayaa sheegay in dowladdu ay dhaqangelinaysa tallaabooyin lagu yareynaya qarashaadka ku baxo howlaheeda kala duwan.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in go’aankii meesha looga saaray hindise sharciyeedka maaliyadda ee sanadkan ee Finance Bill for 2024 uu Kenya u horseedaya gaabad dhaqaale oo ah 344 bilyan oo shilin.
Mudavadi ayaa carrabka ku adkeeyay in wasaaradda maaliyadda ee dalka ay miisaaniyadda horumarka ka dhimi doonto 138 bilyan oo shilin.
Sidoo kale waxaa 8 bilyan laga dhimaya sanduuqa qaran ee horumarinta deegaannada ee (NGCDF), baarlamaanka (Hal bilyan oo shilin) halka dhaqaalaha waaxda cadaaladda ee dalka laga dhimi doono 800 oo milyan oo shilin.
Sidoo kale 14.6 bilyan oo shilin ayaa laga jari doonaa mashaariicda kaabayaasha .
Qarashaadka dowladda uga baxo dhisidda waddooyinka ayaa laga dhimi doonaa 14.1 bilyan oo shilin halka 6 bilyan oo shilin laga jari doono miisaaniyadda biyaha iyo nadaafadda.
Musalia Mudavadi ayaa dhanka kale sheegay in dowladdu ay miisaaniyadda u kordhin doonto waaxyaha muhiimka ah sida in bixinta deymaha lagu leeyahay ganacsatada Qaxwada lagu karo 2 bilyan oo shilin , beeralayda qasabka waxaa la siinaya hal bilyan , 500 oo milyan waxaa lagu taageeraya ganacsatada caanaha iyadoo 28 bilyan oo shilin loogu talagalay hannaanka howlgabnimada.
Madaxa wasiirrada dalka ayaa intaasi ku daray in 30 bilyan oo shilin lagu wareejin doono ismaamullada iyadoo 13.5 bilyan oo shilin lagu kabaya sanduuqa qaran ee horumarinta deegaannada.
Tallaabooyinkan ayay dowladdu qaadaysa maadaama la hakiyay qorshihii ay ku doonaysay in ay ku hesho dakhli dheeraad ah oo loo maraya uruurinta canshuurta.