Sii hayaha xilka taliyaha guud ee ciidanka booliiska dalka Douglas Kanja ayaa sheegay in gagida caalamiga ee diyaaradaha ee JKIA ee magaalada Nairobi ay ka mid tahay meelaha ilaashan.
Waxaa uu dibadbaxayaasha uga digay in ay garoonka tagaan iyagoo doonaya in ay halkaasi mudaaharaad ka sameeyaan.
Tani ayaa timid ka dib markii dhallinyarada ay wacad ku mareen in ay maanta dibadbax ka sameyn doonaan garoonka JKIA.
Waxaa dhanka kale si wayn loo adkeeyay ammaanka garoonka iyadoo Mr. Douglas Kanja uu xusay in goobtaasi aynan geli karin cid aan loo fasaxin.