In ka badan 16 ruux ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen weerarro ay ciidamada militariga ee Israa’iil ay aroornimadii hore ee maanta ka fuliyeen Waqooyiga Qaza.
Waaxda difaaca rayidka Qaza ayaa laga soo xigtay in la duqeeyay guriyo halkaasi ku yaalla.
Dhanka kale , ilaa iyo hadda ugu yaraan 77 qof ayaa ku dhintay weerarrada ay Israa’iil dhawaan ka gaysatay bariga magaalada Khan Younis halka la dhaawacay in ka badan 200 oo kale.
Tan iyo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii 2023-kii , waxaa duqeymaha militari ee Israa’iil ee Qaza lagu dilay ugu yaraan 39,006 Falastiiniyiin ah halka la dhaawacay 89,818 kale.