Golaha warbaahinta dalka ee (MCK) ayaa ku baaqay wada xaajoodyo u dhexeynaya dowladda iyo shirkadaha warbaahineed.
Madaxa fulinta ee MCK ,David Omwoyo ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in loo baahan yahay in laga wada arrinsado arrimaha qaran iyadoo aan la faragelin madax bannaanida saxaafadda.
Waxaa uu tilmaamay in ay lagama maarmaan tahay in dowladda iyo tifaftirayaasha warbaahinta ay ku heshiiyaan in mudnaan la siiyo midnimada qaran.
Tani ayaa timid ka dib markii ay mas’uuliyiinta warbaahinta cabasho ka muujiyeen qaabka loola macaamilay qaar ka mid ah wariyaashii tabinayay dibadbaxyadii ka dhanka ahaa dowladda.
Madaxa golaha MCK, David Omwoyo ayaa dhanka kale saxaafadda ku boorriyay in ay si qoto dheer u falanqeyso dalabaadka dibadbaxayaasha oo ay adeegsato qaab wargelin ah oo la xiriira arrimaha qaran.