Guddoomiyaha baarlamaanka dalka Moses Wetangula ayaa sheegay in ay qasab tahay in mar kale la turxaan bixiyo 6 ka mid ah golaha wasiirrada ee dalka ee uu dhawaan madaxweyne William Ruto dib ugu magacaabay xilalkii ay ka hayeen xukuumadii uu jebiyay.
Wasiirradan ayaa kala ah Prof. Kithure Kindiki ( wasiirka arrimaha gudaha iyo maamulka qaran), Aadan Barre Ducaale (Difaaca), Alice Wahome (Dhulalka), Soipan Tuya ( Deegaanka), Davis Chirchir ( oo horay u hoggaaminayay tamarta balse loo wareejiyay dhanka gaadiidka iyo waddooyinka ) iyo wasiiraddii hore ee ganacsiga Rebecca Miano oo loo magacaabay xeer ilaaliyaha guud ee dalka.
Wetangula ayaa hoosta ka xarriiqay in wasiirradan ay xilalkoodii waayeen markii la kala diray golaha wasiirrada sidaasi awgeedna ay micnaheedu tahay in si hor leh loo magacaabay.
Tani ayaa timid ka dib markii qaar ka mid ah garyaqaannada dalka ay sheegeen in aan loo baahnayn in xildhibaannada baarlamaanka ay mar kale su’aallo waydiiyaan wasiirrada magacaaban.
Madaxweynaha dalka William Ruto oo ilaa iyo hadda soo magacaabay 11 ka mid ah xubnaha golihiisa wasiirrada ayaa laga sugaya inuu inta kale soo dhameystiro.
Home Wararka Kenya Guddoomiyaha baarlamaanka oo sheegay in mar kale la turxaan bixinaya wasiirrada dib...