Golaha warbahinta dalka (MCK) ayaa maanta ku dhawaqi doona guuleystayaasha abaalmaarinta waxqabad wanaagga saxaafadda ee sanadkan 2021-ka.
Tani ayaa imaanaysa iyada oo shalay loo dabaal degay maalinka madax bannaanida saxaafadda adduunka.
Abaalmaarinta golaha warbahinta dalka ayaa ah mid sanadla ah oo loogu tala-galay in sare loogu qaado waxqabaadka warbaahinta dalka.
Waxaa bixinta abaalmaarintan hoggaamin doonta ku simaha madaxa cadaaladda dalka Philomena Mwilu oo ay weheliyaan guddoomiyaha golaha MCK Maina Muiruri iyo madaxa fulinta golahan David Omwoyo.
Abaalmarinta sanadkan ayaa lagu bixinayaa qaab online ah.
Golaha MCK ayaa ujeedada abalmaarintan ku sheegay in la aqoonsado, loo dabaaldaggo, lana xoojiyo heerka saxafaadda iyo si guud shirkadaha warbaahinta dalka iyo in la aqoonsado wariyaasha dadaalka galiyo shaqooyinkooda sido kalana laga dhiso meelaha ay u baahan yihiin si sare loogu qaado xirfadooda.
Waxaa sidoo kale ujeedooyinka abaalmaarinta ka mid ah ku dhiirrigalinta saxafiyiinta in ay doorkooda ka ciyaaraan ilaalinta dimuqraadiyadda, daacadnimada iyo isla xisaabtanka bulshada.
Afhayeenka golaha xeer dejinta dalka Justin Muturi ayaa shalay mulkiilayaasha warbaahinada wadanka ugu baqaay in ay hubiyaan in saxafiyiinta mushaar fiican la siiyo si loo ilaaliyo sharaftooda.
Xoghayaha guud ee ururka saxafiyiinta dalka Eric Odour ayaa dhankiisa sheegay in loo baahan yahay in laga fikiro arrimo ku saleysan dhirigalinta ayna taageerto dowladda.