Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo deg deg dib ugu laabtay Baydhaba

0
486

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdi Casiis Xasan Maxamed (laftagareen) oo saacado kooban ku sugnaa Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ayaa Maanta dib ugu laabtay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.
Saacadihii uu ku sugnaa Magaalada Muqdisho ayaa Madaxweynaha Koonfur Galbeed wuxuu kulan kula qaatay ergayga gaarka ah ee Wasiirka arrimaha dibadda Qatar u qaabilsan dhexdhexaadinta iyo la dagaallanka waxa loogu yeero argagixisada Multaq Alqahtani waxayna ka wada hadleen arimo kala duwan.
Labadaan Masuul ayaa Waxay ka wada hadleen xoojinta la dagaallanka argagixisada iyo Arrimaha doorashooyinka Soomaaliya, waxayna isku afgarteen in la joogteeyo wadashaqeynta dowladda Qatar iyo Maamulka Koonfur Galbeed.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa la filayaa in Maalinta Khamiista ah ee todobaadkaan uu Golihiisa Wasiirada la wadaago waxyaabihii uu kala hadlay ergayga gaarka ah ee Wasiirka arrimaha dibadda Qatar u qaabilsan dhexdhexaadinta iyo la dagaallanka argagixisada Multaq Alqahtani.