Barasaab ku xigeenka Kisii oo maanta la dhaariyay

0
334

Waxaa maanta xilka barasaab ku xigeenka ismamulka Kisii loo dhaariyay Elijah Obebo.
Mr. Obebo ayaa soo noqday guddoomiyihii guddiga adeegga dadweynaha ee Kisii.
Kursiga guddoomiye ku xigeenka dowlad deegaanka Kisii ayaa banaanaaday horraantii sanadkan ka dib markii xil ka qaadis lagu sameeyay Robert Monda.
Bishii Labaad ee sanadkan ayay ahayd markii wakiillada Kisii ay xil ka qaadis ku sameeyeen barasaab ku xigeenkii dowlad deegaankaasi Dr. Robert Monda oo lagu eedeeyay laaluush qaadasho, ku xadgudubka dastuurka iyo inuu awooddiisa xafiiseed ku tagriifalay.
Waxaa go’aanka wakiillada xilligaasi ayiday aqalka sare ee dalka.
Guddoomiyaha ismaamulka Kisii Simba Arati ayaa bishii saddexaad ee sanadkan ku xigeenkiisa u magacaabay Elijah Obebo oo maanta jagadaasi loo dhaariyay.