Maxaas: Nin dhallinyaro ah oo dil bareer ah u gaystay aabaha dhalay xaaskiisa

0
408

Galinkii dambe ee shalay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan waxaa ka dhacay dhacdo ay si weyn uga argagaxeen dadka ku nool magaaladaasi, ka dib markii nin dhallinyaro ah uu ku dilay halkaasi aabaha dhalay Xaaskiisa.
Aabaha la dilay oo ahaa shakhsi caan ka ahaa magaalada Maxaas iyo nawaaxigeeda ayaa lagu magacaabi jiray Cabdi Maxamuud Siyaad.
Ninka dilka gaystay ayaa magaciisa lagu sheegay Cabdi Maxamad Xuseen Afweeyne, lamana soo warin sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dilka uu u gaystay ninkan sodogiisa.
Dhacdadan waxaa si weyn u hadal hayo dadka ku nool degmada Maxaas oo arrintan ka argagaxay, waxaana dilkan uu qayb la noqonaya dilalka naxdinta badan ee muddooyinkii dambe ku soo kordhaayay gudaha dalka Soomaaliya.