Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa xilli uu maanta ku sugnaa degmada Chebango ee ismaamulka Bomet sheegay in uunan marnaba oggolaan doonin in rabshado la adeegsado si kasta oo loo doonaya isbeddel hoggaamineed.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in Kenya ay tahay dal dimuqraadi ah oo leh xeerar lagu maamulo.
Hoggaamiyaha dalka ayaa xusay in aan marnaba laga tanaasuli doonin xaqiijinta badqabka kenyaanka iyo ilaalinta hantidooda.
Waxaa uu digniin adag u diray cid kasta oo ka qayb qaadanaysa ama maalgelinaysa rabshadaha.
Waxaa uu faahfaahin ka bixiyay qaar ka mid ah barnaamijyada uu gacanta ku haya maamulkiisa.
Madaxweyne William Ruto ayaa cid kasta oo haysa barnaamijyo kale ugu baaqay in ay kenyaanka u soo bandhigto.
Waxaa uu ugu dambeyn tilmaamay in uu sameeyay waxyaabihii laga dalbanayay sidaasi awgeedna uunan cidna ka aqbali doonin in xaaladda ay ku sii socoto sida ay hadda tahay.
Madaxweynaha ayaa sheegay inuu cid kasta fursad u siiyay in ay dareenkeeda muujiso balse uu qaranka ka muhiimsan yahay shakhsi mise koox gaar ah.